Puntland oo xirtay Marsada iyo Suuqa Kalluunka ee Dekedda Boosaaso (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa amar deg deg ah ku bixisay in la xiro Marsada Dekedda Boosaaso iyo Suuqa kalluunka oo ku yaalla Gudaha Dekedda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha iyo ka hortagga Dambiyadda Badda ee Dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in la xiray Marsada Dekedda Boosaaso iyo Suuqa Kalluumeysiga.

Wasaaradda Dekadaha Dowladda Puntland ayaa sheegtay in xiritaan Goobahan looga gol lee yahay Xaqiijinta amniga Dekedda, maadama Dekedda Magaalada Boosaaso ay tahay xudunta Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka

Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha iyo ka hortagga Dambiyadda Badda ee Dowladda Puntland.

IDIL NEWS