Ra’iisulwasaare Kheyre oo u dhoofay Switzerland (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee  dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Geneva uga qeyb galaya shirar looga hadlayo Xuquuqul Insaanka iyo shaqo la’aanta Dhalinyarada, kaas oo soconaya hal maalin, isagoona khudbad ka jeedin doono.

Socdaalka Mr. Kheyre ayaa ku soo aaday, labo maalin kaddib qaraxyo iyo weeraro dad badan ku dhinteen oo Al-Shabaab ka fulisay Magaalada Muqdisho, Sidoo kalena laga sugayo in Xukuumadiisu ay is-bedel ku sameyso Qorshaha amniga Muqdisho.

Safarka Madaxda Sare ee dalka, ayaa kordhay Labadii todobaad ee u dambeeyay, Madaxweynaha, Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo qaarkood aan weli dalka ku soo laaban ayaana dalka iskaga dhoofay.

Daawo.

IDIL NEWS