Col. Afdalow oo ka hadlay Dad lagu qab-qabtay Howlgalada ka socda Gaalkacyo (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow), oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa ka warbixiyay howlgallo culus oo habeenadii lasoo dhaafay ka socday Gaalkacyo.

Col. Afdalow ayaa sheegay inay xaqiijiyeen amniga Magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena ay gacan buuxda ku qabteen Magaalada Ciidamada howlgalada wadda oo isigu jira Daraawiish, Boolis iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen kooxo dhalinyaro ah oo qeyb ka ahaa ammaan darada Magaalada Gaalkacyo, ayna soo taagi doonaan Maxkamad, Isagoona x laga mamnuucay in lala dhexmaro Hub sharci darro ah, Isagoona sheegay in loo

Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow), Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada Gaalkacyo inay la shaqeeyaan Ciidamada si loo xaqiijiyo amnigooda, gacantana loogu soo dhigo kooxaha sharwadayaasha ah.

Daawo.

IDIL NEWS