DF oo ka hadashay Khilaafka Dublamasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlayay muran baddeedka u dhaxeeya labada dal ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya weli ku adkeysaneyso Go’aankeedii hore,isla markaana lagu kala bixi doono Maxkamada ICJ.

Mr. Khadar ayaa sheegay in marnaba Dowladda Soomaaliya wadahadal ka galeyn arrinta Badda,hayeeshee uusan saameyn ku yeelaneyn khilaafka jira xiriirkii iskaashi ee ka dhaxeeyey labada dowladood.

Xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah mid xilligaan aan cago badan ku taagneyn ilaa laga xaliyo khaafka sababya muranka dhinaca badda ah.

IDIL NEWS