Duqa Gaalkacyo oo baaq u diray Ciidamada Howlgalada wada iyo Shacabka (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Duqa Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Yaasiin C/samad cumar, ayaa sheegay in howlgalada culus ee ka socda Gaalkacyo uu saameeyay Ardayda Waxbarata.

Mr. Yaasiin Cabdisamad ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabku ay qeyb ka noqdaan sugida amniga, isagoona xusay in aysan isku meel geli Karin in la yiraahdo Dowladdu may tilaabo qaado, kaddibna laga hor yimaado oo la sameeyo kacdoon.

Duqa Gaalkacyo ayaa ugu baaqay laamaha ammaanka inay u dhimriyaan Shacabka kuwooda wanaagsan, ayna gacan adag ku qabtaan kooxaha qeybta ka ah rabshadaha iyo ammaan darada ka dhacda Gaalkacyo.

Daawo.

IDIL NEWS