Gambadhe: Dagaal dhex-maray Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda xoreynta SSC.

GAMBADHE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Gambadhe ee Gobalka Sool, ayaa sheegay in Saacadihii lasoo dhaafay uu halkaas ka dhacay Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Milateriga Somaliland iyo Jabhadda xoreynta Gobalada SSC.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkani uu yihim kaddib markii Jabhadda xoreynta Gobalada SSC ee uu hoggaamiyo Col. Feysal Falaalug ay weerar jidgal ah ku qaaday Kolonyo kamid ah Ciidamada Somaliland oo marayay duleedka Degaanka Gambadhe.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalkani uu ka dhashay Khasaare isigu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray labada dhinac, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu le egyahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaal oo ahaa mid culus ay Labada dhinac ay kala qabsadeen Gaadiid dagaal.

Degaanka Gambadhe ayaa qiyaastii 30-KM ka xiga dhanka Koonfur bari Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobalka Sool, Ciidamada Somaliland ayaana degaankaas ku leh saldhig weyn.

IDIL NEWS