IGAD oo Soomaaliya ka taageeraysa la dagaalanka Al-Shabaab.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Urur Goboleedka IGAD, ayaa cambaareeyay weerarkii argagixiso ee khamiistii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho,.

IGAD ayaa wacad ku martay in laga adkaanayo maleeshiyada Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi ,kaasoo ay ku dhinteen shacab aan waxba galabsan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa ku ammaanay ciidamada Dowladda Soomaaliya dadaalka iyo  geesinimadooda ku aadan siday u xakameeyeen khasaaraha shacabka ka soo gaari lahaa weerarkii argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Maka Al-mukarama  iyo goobaha kale ee ganacsiga ku yaala hareeraha wadada.

“Dowladaha xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD waxay xaqiijiyeen taageerada Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan inaan marnaba loo dulqaadan Karin kana soo horjeedaan dhammaan noocyada argagixisada ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay IGAD.

Sidoo kale,war ka soo baxay IGAD ayaa lagu cadeeyay in si wadajir ah looga hortagayo caqabadaha ka hor imaan kara nabad galyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kooxda gabalkooda sii dhacaya ee Al-Shabaab ayaa u soo dhigtay iney daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,iyagoo aan u aabe-yeeleyn carruur,Cirroole iyo Haween,balse ciidamada xoogga dalka ayaa markasta u taagan iney danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed si adag u difaacaan.

IDIL NEWS