Madaxweyne Farmaajo oo safar deg deg ah berri ugu baxaya Addis Ababa.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa la filayaa in maalinimada berito ah uu safar deg deg ah ugu baxo Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis ababa ayaa la sheegay in uu ku saabsan yahay Arrimaha ka soo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika, iyadoo uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Dowladda Kenya ayaa shaki la gelinayaa inay waddo Qorshayaal ay ku wiiqeyso Isbaheysigii Saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray Dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Maalmihii lasoo dhaafay Socdaalo ku tagay Caasimadaha Addis Ababa iyo Asmara, Iyadoona kulan saddex geesood ah uu ku dhexmaray Asmara Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Ra’iisulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea.

Loolanka Istiraatiijiyadeed ee Gobolka ayaa soo xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay, waxaana socday qorshayaal uu waday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa Iskaashi iyo Is dhex gal dalalka Gobolka Geeska Afrika.

Kenya oo xilligan Xiisad diblonaasiyadeed kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa durba ku soo baraarugtay is bedelka ka socda Gobolka iyo Isbaheysiga ka dhex sameysay Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, waxaana shirkii Asmara ka dhacay shalay loo arkaa mid culeys ku ah Soomaaliya.

IDIL NEWS