Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo Amb. Gunter Noote ? (Daawo)

HARGEYSO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan dalalka Afrika Ambassador Gunter Noote oo booqasho ku tagay Hargeyso.

Madaxweynaha iyo wakiilka Ra’iisalwasaaraha dalka Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah iyo mashaariicda horumarineed ee Jarmalku ka wado Degaanada Somaliland, gaar ahaan dhinaca dhismaha waddooyinka iyo Biyo ballaadhinta Magaalada Hargeysa ee Somaliland oo ay dawladda Jarmalku kaalin weyn ku leedahay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale wakiilka Ra’iisal wasaaraha Jarmalka u qaabilsan waddamada Afrika uga mahadnaqay booqashada uu ku yimi Somaliland, waxana ay si qoto dheer uga doodeen xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Maamulka Somaliland iyo Dowladda Jarmalka.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha ee Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali-koore, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Liibaan Yuusuf Cismaan, wakiilka Somaliland u qaabilsan urur-goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Daarood.

Daawo.

IDIL NEWS