Puntland oo gacanta ku dhigay Kooxo Dadka Tahriibiya (DHAGEYSO)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen kooxo Mukhalasiin ah oo dadka ka tahriibin jiray Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Gen. Muxyadiin ayaa sheegay inay dadka ay qabteen ku hayaan cadeymo muujinaya inay la shaqeystaan kooxaha loo yaqaan Magafaha, Isagoona tilmaamay inay jiraan kuwo kale oo ay Liiska Magacyadooda ay hayaan kuna dabajiraan.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Puntland aysan marnaba u dulqaadan doonin in dhalinyarada Soomaaliyeed laga ganacsado in dalkooda laga saaro, ayna tilaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo sal ku yeelata arrintan.

Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland ayaa uga digay Darawalada Gaadiidka inay qaadaan Dadka Tahriibayaasha ah, waxaana uu ku amray laamaha ammaanka inay gacanta ku dhigeen cid kasta oo lagu helo inay ku lug lee dahay.

DHAGEYSO.

IDIL NEWS