Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Eritrea oo gaaray Magaalada Jubba.

JUBBA (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abi Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa Maanta oo Isniin ah waxa ay booqashoku tageen  Magaalada Jubba ee koonfurta Sudan.

Wafdiga ayaa waxaa  Garoonka diyaaradaha Magalada Jubba kusoo dhaweeyay Xubno uu hoggaaminayay Madaxweynaha koonfurta Sudan Salva Kiir.

Wasiirka Arrimaha gudaha Eritrea, Yemane Gebremeskel  ayaa sheegay in labada hogaamiye ay booqasho halmaalin ah ku joogi doonaan Magalada Jubba,islamarkaana kulan Saddex geesood ah ay la yeelan doonan Madaxweyne Salva Kiir.

Kulanka ayaa waxaa ay diirada ku saaridoonan arrimo la xiriira danaha Wadadamadaas,waxaana xusid mudan in shalay Magalada Asmara ee dalka Eritrea ay kulan Saddex geesood ah ay ku yeesheen Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, Ra’iisul Wasaaraaha Itoobiya Abi Axmed iyob Madaxweynaha Kenya Uhru Kenyatta.

IDIL NEWS