Wasiirka Amniga Jubbaland oo digniin u diray Musharixiinta Madaxweynaha (Daawo)

DOOLOW (IDIL NEWS)-Wasiirka Amniga Dowladda Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdi Nuur Janan, oo Warbaahinta kula hadlay maanta degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay xaalada amni ee degaanada Jubbaland iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo.

Wasiir Janan ayaa ka codsaday musharixinta Madaxweynaha Jubbaland ee doonaya inay tartamaan in ay dhowraan, isla markaana ay ilaaliyaan nabadgelyada inta ay wadaan ololahooda doorashada.

Waxaa uu sheegay in cid walba  oo reer jubbaland ah sidoo kalena buuxisa shuruudaha musharixiinta ay  qeyb geli karto doorashada,islamarkaana aysan jiri doonin cid sigaar ah looga hor-istaagi doono doorashada.

Cabdirashiid Xassan Cabdi Nuur Janan, Wasiirka Amniga Dowladda Jubbaland ayaa uga digay Musharixiinta Madaxweynaha inay sameeyaan waxyaabo khalkhal gelin kara amniga, waxaana laamaha amniga Jubbaland uu faray inay si dhow ula Shaqeeyaan musharixiinta si gaar ah kuwa sida nabadgelyada ah xilka ku raadinaya.

Daawo.

IDIL NEWS