Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray kastamaha canshuurta ee G. Sool (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, iyo Masuuliyiin Ka Tirsan labada Gole Ee Dowlada ayaa maanta Kormeeray Qaybo Kamida Kastamaha Canshuuraha Gobolka Sool.

Wasiir Xasan Abgaal ayaa Sheegay in u jeedada Kormeerkoodu uu ahaa inay soo arkaan qaabka ay u socdaan Shaqooyinka soo xareynta Dakhliga Dowladda iyo sida howsha u wadaan Shaqaalaha Kastamaha.

Wasiirka ayaa sheegay in Gobalka Sool uu kamid yahay Meelaha ay dakhliga fiican kasoo xaroodaan, ayna tahay in la xoojiyo lana haggaajiyo Hanaanka Canshuur qaadista, taas oo uu sheegay inay kamid aheyd Balanqaadyadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Daawo.

IDIL NEWS