AaranJaan iyo Damjadiid oo bilaabay isbahaysi (Campaing Election 2020)

Waxaa bilaamay isbahaysiga cusub ee AaranJaan-Damjadiid oo ku aadan (Campaing Election 2020)

Deni Iyo Sambalooshe,ayaa ku shiray Hotel Eyl si Madaxweyne Farmaajo loo curyaamiyo oo mustaqbalka Raisulwasaaruhu u noqdo Nin reer Puntland ah oo ay wtaaan kooxdan isbahaysatay.

Sanbalooshe oo aad ugu dhow Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh gacansaar xoog lehna la leh kooxda DamJadiid ayay Madaxtooyada Puntland waxay dejisay Eyl Palace Hotel.

Sanbalooshe,ayaa Garowe u yimid isku xir isbahaysi mucaarad oo ka dhan ah Dowladda Fadaraalka, kaas oo ay garwadeen ka tahay kooxda DamJadiid.

Dhanka kale Shirkii lagu balamay in uu Garowe ka qabsoomo 20-ka bishan Maarso,ayaa u muuqda mid baaqday kadib markii uu Madaxweyni Deni bilaabay abaabulka iyo isku xirka mucaaradka Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.

Dhaqdhaqaaqa isbahaysigan cusub ee Aaranjaan-damjadiid,ayaa si dardar leh usocday Todobaadyadii lasoo dhaafay.