Addis Ababa: Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Abiy oo kulan hor-dhac ah yeeshay (Sawirro)

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Addis Ababa, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Khayr iyo La Taliyayaashiisa, ayaa loo galbiyay Madaxtooyada dowladda Itoobiya oo ay kulamo kula yeelanayaan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa waxaa Addis Ababa uga sii horeeyay Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasoo u gogol xaaray safarka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiye Axmed ayaa kulan horudhac ah ku yeeshay qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Bole, waxaa ay yeelan doonaan kulan kale oo labo geesood ah oo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo amniga dalalka dhaca Geeska Afrika.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee Magaceeda loo soo gaabiyo FANA ayaa qortay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu horseed ka yahay aragtida nabad ku wada noolaanshaha Gobolka Geeska Afrika.

Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayan in labada hoggaamiye ay isla soo qaadi doonaan sida la sheegay xaalada kusoo kordhay gobolka Geeska Afrika oo bilooyinkii u dambeeyay isbedalo badan uu ka socday.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Addis ababa, ayaa kusoo aaday iyadoo Axadii la soo dhaafay ay magaalada Asmara kulan Saddex geesood ah ku yeeshay Hoggaamiyaasha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, kuwaas oo ku heshiiyay sameysashada Iskaashi saddex goosaad ah oo ku aadan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo nabada, kaasi oo aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.

Sawirro.

IDIL NEWS