Baarlamaanka Jubbaland oo la hor-geeyay Xeerka Biyaha.

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Jubbaland ayaa maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland waxay horgeysay xeerka biyaha Jubbaland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Ducaale ayaa golaha ka hor akhriyey xeerka oo ay horay u ansixiyeen golaha wasiirada.

Golaha Baarlamaanka Jubbalnad ayaa ka dooday xeerka biyaha Jubbaland, iyadoo doodda kadib ay mudaneyaasha isku raaceen in xeerkaan go’aan looga gaaro fadhiga Baarlamaanka ee maalinta Sabtida.

Guddoomiyaha guddiga habdhowrka Baarlamaanka Jubbaland Bashiir Maxamed Baahale ayaa markii kulanku soo idlaaday wuxuu sharraxaad ka bixiyey sida ay xildhibaanadu uga doodeen xeerka iyo xilliga la rajaynayo in la ansixiyo.

Xeerka Biyaha Jubbaland oo ay wakhti badan gelisay wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Jubbaland ayaa haddii uu helo kalsoonida Baarlamaanka waxaa la rajaynayaa in uu wax badan ka bedelo qaabka hadda loo maareeyo biyaha.

IDIL NEWS