Boosaaso: Banaan-baxayaal baaq u diray Madaxweynaha Dowladda Puntland (Sawirro)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Banaan-bax looga soo hor-jeedo go,aankii Dowladda Puntland ay albaabada ugu laabtay Marsada iyo Suuqa kalluunka ee Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa maanta ka dhacay Boosaaso.

Banaan-baxayaasha oo isigu jiray Rag iyo Dumar, hor dhoobtayna xarunta Gobalka ayaa ku dhawaaqayay erayo ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin go’aanka Dowladda Puntland ay ku rareyso Marsada iyo Suuqa kalluunka Boosaaso.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa sidoo kale beeniyay in Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland ay diyaarisay Goobo cusub oo loo raray Marsada iyo suuqa kalluunka ee Boosaaso, taas oo uu maalin kahor shaaciyay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Faarax Maxamed Cawaash.

Banaan-baxayaasha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, in uu soo fara-geliyo arrintan, maadama aysan u tag heyn Go,aanka kasoo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Dowladda Puntland.

Sawirro.

IDIL NEWS