Garbahaarey: Xukun dil ah oo lagu fuliyay Nin geystay kufsi iyo dil.

GARBAHAAREY (IDIL NEWS)-Maxkamadda Degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo, ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Nin lagu eedeeyey in uu kufsi u geystay Gabar yar kadibna uu dilay.

Ninka Xukunka dilka ah lagu fuliyey oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud ayaa da’diisa lagu sheegay 32 Jir,waxaana maalma  ka hor lagu xukumay dil toogasho,islamarkaana Maanta oo Talaado ah lagu fuliyey.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa horay u sheegay in nin kaasi falka kufsiga ah uu qirtay sidaasna ay xukunka dilka ah ugu fuliyeen,waxaana tallaabadaas aad u soo dhaweeyay Bulshada Garbahaareey.

Fulinta xukunkan ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobalka Nugaal ee Puntland, ay xukun dil ah ku riday 5 Dhalinyaro ah oo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka geystay kufsi Wadareed.

IDIL NEWS