Mareykanka: Haweeney Soomaali ah oo Meydkeeda laga helay gurigeeda.

SAN DIEGO (IDIL NEWS)-Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Muna Kuri, ayaa meydkeeda laga helay guri ay daganayd oo ku yaalla State California Gaar ahaan San Diego, gobalka ee dalka Maraykanka.

Ehelada Haweeneyda ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in la weysanaa ilaa Sabtidii,hayeeshee markii dambe  meydkeeda laga helay hoygii ay deganeyd, iyada oo dhaawacyo culus ay ka muuqdaan qeybaha hore ee jirkeeda.

Aamino Salaad oo la dhalatay Muno ayaa waxa ay sheegtay in ay tuhun san yihiin in Ninkeeda uu dilka ka danbeeyey, Booliska magaalada San Diego, ayaana Baaritaano ku haya Kiiska Haweeneyda.

Warbaahinta Mareykanka oo soo xiganeysa qaar ka mid ah Ehelada ayaa waxa ay sheegtay in Muna Kuri ka hor Mareykanka ay ka timid dalka Kenya, islamarkaana ay aheyd Haweeney dabci wanaagsan leh.

IDIL NEWS