Puntland oo si kulul uga hadashay dagaalkii shalay ka dhacay Gambadhe (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadashay Dagaal shalay ka dhacad Degaanka Gambadhe ee Gobalka Sool, Iyadoona beenisay Eedeeyn ay u jeedisay Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Cali Xasan Axmed Sarabeey, ayaa sheegay in aysan Puntland waxba kala socon dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Gambadhe ee u dhexeeyay Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda xoreynta Gobalka Sool oo ay lee yihiin Dadka degaanka.

Wasiir Sabareey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeeyn ay u jeedisay Somaliland, oo aheyd in Dowladda Puntland ay soo abaabushay Weerarkan.

Dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Gambadhe ee Gobalka Sool, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray Ciidamada Somaliland, Iyadoona sidoo kale looga qabsaday Gaadiid dagaal.

Daawo.

IDIL NEWS