Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo dhex-dhexaadinaya Somalia iyo Kenya (Daawo)

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u duulay Nairobi si dib loogu soo celiyo, loona xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay in wadahadal uu dhexmaro Soomaaliya iyo Kenya , kaasoo ku saleysan Muranka Badda ee ka dhex taagan labadda dal.

Madaxweynaha Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa, waxaana uu ra’iisul Wasaaraha Itoobiyo kala hadlay Khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la filayaa in uu dhex-dhexaadiyo labada dhinac, isagoona garwadeen ka noqon doona Wada-hadalo berri u furmaya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Daawo.

IDIL NEWS