Wada-hadaladii u dhexeeyay Hoggaamiyayaasha Somalia iyo Itoobiya oo soo Idlaaday (Sawirro)

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo gaaray maanta Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa Wada-hadalo la yeeshay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo dardargelinta is-dhexgalka dhaqaalaha Geeska Afrika.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa baahisay in Wada-hadalada labada Masuul ay kusoo dhamaadeen Guul, ayna ku gaareen is afgarad.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in labada hoggaamiye ay isla soo qaadeen xaalada kusoo kordhay gobolka Geeska Afrika oo bilooyinkii u dambeeyay isbedalo badan uu ka socday.

Kulanka ay Addis ababa ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Abiy, ayaa kusoo aadaya iyadoo Axadii la soo dhaafay ay magaalada Asmara kulan Saddex geesood ah ku yeeshay Hoggaamiyaasha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, kuwaas oo ku heshiiyay sameysashada Iskaashi saddex goosaad ah oo ku aadan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo nabada, kaasi oo aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.

Sawirro.

IDIL NEWS