DF Soomaaliya oo cadeysay Mowqifkeeda dacwada badda ee Maxkamada ICJ.

NAIROBI (IDIL NEWS)-Iyada oo uu weli jiro khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kaas oo ka dhashay muranka dhinaca Badda ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay cadeysay in marnaba ka tanaasuleyn Dacwadda Badda ee taalla Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Hadalkaan ayaa yimid kadib markii dad badan ay shaki ku abuurtay kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ay Maanta Nairobi ku yeelanayaan, kaas oo uu gar wadeen ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

Muranka dhinaca Badda ah ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo jiitamayay mudo farabadan kaas oo aan weli xal  loo helin, hayeeshee uu haatan gaaray mid ay xiriirka diblumaasiyadeed isku jaraan.

IDIL NEWS