FAALLO: Madaxweyne Farmaajo oo dhabar jabiyay Dadaalkii Soomaaliya ee soo socday Sanadaha badan(Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taleefishinka dalka Ethiopia ayaa baahiyay in Madaxweynayaasha Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku raaceen in lagu xaliyo si diblumaasi ah khilaafka xagga badda ee u dhexeeya Labada Dal.

Telefishinka Itoobiya ayaa sheegay in Wada-hadalada labada Hoggaamiye oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisulwsaare Abiy ahmed ay kusoo dhamaadeen sida qorshuhu ahaa, ayna isku raaceen labada Madaxweyne inay ku dhameeyaan wada hadal iyo qaab dublamasi ah, muranka xuduuda badda ee u dhexeeya,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

Halkan ka daawo muuqaalka

Maxaa uu ka dhigan yahay Heshiiskan dhex-maray Madaxweymayaasha Somalia iyo Kenya ?

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haysta lahaanshaha dhul cabirkiisa lagu qiyaasay boqol kun oo laba jibaaran oo lagu tuhmayo inuu kheyraad badda dhex ceegaago, waxayna hortaal maxkamada caalamiga ah dacwad ay labada dowlba sugayaan natiijada ka soo baxda.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ka hadlayay Wada-hadalada labada Hoggaamiye ayaa sheegay in aan ajandaha shirka lagu soo hadal qaadin arrinta badda ee kiiskeeda uu yaalo Maxkamadda ICJ, isla markaana mowqifka dowladda Soomaaliya uu yahay mid cad uu ku sheegay in aysan dowlada Soomaaliya marna wadahadal iyo gorgorton ka galaynin khilaafka badda, hadalkan oo ka duwan Warka uu baahiyay TV-ga Dowladda Ethiopia.

Dadka isha Ku hayay Arrimaha la xariira muranka badda Soomaaliya iyo Kenya, ayaa aaminsan in hadii uu dhab yahay warka uu baahiyay Telefishinka Dowladda Ethiopia uu dhabar jab ku yahay Qaranimada Soomaaliya iyo sugnaanshaha Xaduudkeeda.

Sidoo kale, Heshiiskan ayaa mugdi gelinaya jiritaanka Dooda Soomaaliya ee la xariirta inay lee dahay Badda lagu muransan yahay, maadama ay horey ugu adkeysanaysay in lagu kala baxo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Dhanka kale, Dadka Falanqeeya Siyaasadda ayaa qaba in Dhab ahaanshaha Heshiiskan uu dhaawac ku yahay Kalsoonidii Shacabka Soomaaliyeed Ku qabeen Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa loo arkaa in uu ku dhex milmay Isbedelada Siyaasadeysan ee ka socda Gobalka Geeska Africa, kaas oo uu hoggaamiye u yahay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmad.

IDIL NEWS