Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Buurdhuubo (Sawirro)

BUURDHUUBO (IDIL NEWS)-Madaxwayne ku-xigeenka kowaad ee Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Saaka gaaray magaalada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka Magaalada Buurdhubo iyo waliba bulshada qaybaheeda kala duwan.

Safarka Madaxweyne Ku xigeenka Koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa ku weheliyay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa Kulamo kala duwan la qaadan doona Maamulka Magaalada Buur-Dhuubo ee Gobolka Gedo iyo qaybaha kala Duwan ee Bulshada iyada oo uu booqan doono xarumaha Ciidamada Daraawiishata Jubbaland ay ka daganyihiin Magaaladaasi ,Xarumaha Caafimaadka iyo waxbarashada.

Sawirro.

IDIL NEWS