Nairobi: Hoggaamiyaasha Somalia, Kenya iyo Ethopia oo ka Shiraya Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya.

NAIROBI (IDIL NEWS)-Hoggaamiyayaasha Dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, ayaa lagu waddaa in uu goor-dhow u furmo kulan saddex geesood, kaas oo ka dhacaya Madaxtooyadda Kenya ee Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa xalay gaaray Nairobi, kaddib markii shalay ay ku Shireen Addis Ababa.

Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa looga hadlay xalinta khilaafka Dublamasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, Iyadoona uu garwadeen ka yahay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Mr. Abiy, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay dadaalo ka waday Geeska Africa.

Kulankan saddex geesoodka ayaa waxaa bar bar socon doona kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaasoo looga hadlayo sidii caadi loogu soo celin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya ka sokow in laga hadlayo xiriirka diblomaasiyadeed waxaa wehliya arrinta muranka badda ee labada dal u dhaxeyso, iyadoo Kenya ay dooneyso in arrinta Badda wada hadal laga galo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Nairobi ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay ku sheegay in aan arrinta badda ee dacwadeeda taal Maxkamadda ICJ aan wax gorgortan iyo wada hadal toona laga galeyn.

Dadka odorasa arrimaha Soomaaliya ayaa dhaliilay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Kenya, iyadoo horay u eriday Safiirka Soomaaliya, isla markaana Kenya oo ka mas’uul aheyd xiriirka xumaaday uu dalkeeda ugu tago, waxaa taa bedelkeed siyaasiyiinta tilmaameen in wada hadalada uu ka dhaco dal saddexaad.

IDIL NEWS