Puntland oo digniin u dirtay Macalimiinta dhiga Dugsiyadda Qur’aanka (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaarada Cadaalada Arimaha Diinta Iyo Dhaqan Celinta Dowlada Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa sheegay in wax laga bedelayo Qaabka ay ay u shaqeeyaan waxna u baraan Ardayda Dugsiyadda Qur’aanka eek u yaalla Degaanada Puntland.

Wasiir Xaamud oo maanta ka hadlay Tababar ay Wasaaraddu u qabatay Macalimiinta Qur,aanka ka dhiga Dugsiyada ku yaalla Garoowe, kuna saabsanaa kor u qaadista Aqoonta Macalimiinta, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hakaajiyo tayada Aqoonta iyo Akhlaaqda carruurta Qur’aanka ka barata dugsiyadda ku yaalla Puntland.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin Dowladda Puntland in la dilo carruurta barata Qur’aanka, isagoona sheegay in loo baahan yahay inay macalimiintu ka digtoonaadan arrintan, ayna kusoo jiidaan diinta iyo barashadeed Ilmaha.

Daawo.

IDIL NEWS