Ra’iisulwasaare Kheyre oo kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Dawladda UK.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska ay u soo magacowday Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada Dal.

Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa badalay Danjire Danjire David Concar, kaasi oo Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday.

IDIL NEWS