Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Kuwait oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga (Sawirro)

KUWAIT (IDIL NEWS)-Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait ayaa maanta waxaa waraqaaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka wadanka Kuwait Shekh Sabah al Axmad Alsabah .

Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kuwait  Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa si maamuus sare leh loogu soo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee dalkaasi.

Dawladda Kuwait ayaa ah mid aad u tixgalisa arrimaha Soomaaliya Danjire Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaana noqonaya shaqsigii koowaad ee jagadaan loo magacaabo tan iyo markii ay burburtey Dawladii dhexe ee Soomaaliya, markaasi oo Soomaaliya Xiriir wanaagsan la laheyd dalka Kuwait.

Sawirro.

IDIL NEWS