Soomaaliya oo la wareegtay guddoominta Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

QAAHIRA (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad ayaa Maanta shir guddoomiyey shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed, kaas oo ka furmay Magalaada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Soomaaliya ayaa sanadkaan la wareegtay wareegga 151,aad ee madaxtinimada Jaamacadda Carabta,waxaana shirkaasi diirada lagu saarayaa taageerida Nabadda iyo Horumarinta dalalka suudan iyo  Jaziirada Comoros, Xadgudubka Israel ku hayso dhulka Reer Falastiin, iyo khilaafka dowladaha Jabuuti iyo Eritrea iyo qodobo kale.

Geba-gabada shirkaasi ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxda ka qeyb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed.

IDIL NEWS