Wadada Halbowlaha ah ee Degmada Burtinle oo dib loo dhisayo (Daawo)

BUURTINLE (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadeyaynta Dowladda Puntland Maxamed Dhabancad, Dib u dhis lagu sameynayo Laamiga bartamaha degmada Burtinle ee gobalka Nugaal, taas oo dhismaheeda la bilaabayo.

Dhismaha Wadada oo la dhisayo 3 KM iyo 600 oo Mitir, ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda hoose, Shacabka iyo Shirkadda Kebarco, Iyadoona ay taageereyso Dowladda Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay isku tashtaan Shacabka iyo Maamulka Degmada Buurtinle, isagoona sheegay inay Dowladda Puntland garab taagan tahay, ayna sidoo kale si dhow ula soconayso tayada dhismaha Wadada.

Daawo.

IDIL NEWS