Burundi oo weli diidan Go’aanka Ciidamadeeda looga saarayo Soomaaliya.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Burundi ayaa weli waxaa ay kasoo horjeedaa Go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika kaas oo sheegayay in qeyb ka mid ah Ciidamadooda laga saarayo Soomaaliya,Go’aankaas oo la gaaray bishii December Sanadkii tegay ee 2018.

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa Go’aankaas kasoo horjeestay kaas oo loo qorsheeyey in  1,000 ka mid ah Ciidaamadooda ku sugan deegaanada Hir-=Shabeelle dib loogu celiyo dalkooda,waxaana xusid mudan in Madaxda Maamulka Hir-Shabelle ay dhankooda walaac ka muujiyeen.

Horay ayaa sidoo kale waxaa u jirtay in dalkooda dib loogu celiyey 400 oo ka mid ah askarta Burundi ee joogtay Soomaaliya,hayeeshee xilligaas wixii ka dambeeyey ay Burundi ka hortimid in Ciidamadeeda laga saaro Soomaliya.

Dowladda Burundi ayaa ah dalka labaad ee Ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya,waxaana tan iyo sanadkii 2007 ay dagaal adag kula jiraan Ururka Al-Shabaab,iyada oo ciidamadooda ay ka howlgallaan deegaanada Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Magalada Muqdisho,waxana inta ay ku sugnaayeen Soomaaliya looga dilay boqolaal askari.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawan booqasho ku tagay dalka Burundi,waxaana uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas,iyada oo labada madaxweyne ay ku baaqeen kulan Degdeg ah oo looga hadlayo Go’aanka ciidamada Burundi looga saarayo Soomaaliya.

IDIL NEWS