DEG DEG: Qarax xooggan oo goor-dhaweyd gil-gilay Muqdisho.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax xooggan uu goor-dhoweyd ka dhacay Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay inta badan Xaafadaha Muqdisho, waxaana qaraxa uu ka dhacay agagaarka Taalada Xaawo Taako.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako.

Qiic iyo uuro ayaa la arkayay oo cirka isku shareeray, si rasmi ah looma oga khasaaraha qaraxa, waxaana goobta qaraxa ka dhacay ku dhow Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka oo ay ku sugan yihiin Ilaalada Madaxtooyada.

IDIL NEWS