Hargeysa: Maxkamada Racfaanka oo xoriyadoodii dib u siisay Carruur darbi-jiif ah (Daawo)

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Maxkamada Racfaanka ee Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, ayaa xukuntay in xabsiga laga sii daayo carruur darbijiif ah oo hore loogu xukumay xarig.

Maxkamada Gobolka Maroodijeex ayaa hore ugu xukuntay min lix bilood oo xarig ah carruurtan oo laga soo ururiyay wadooyinka magaalada Hargeysa, balse garabka dhallinyarada xisbiga mucaaradka ah ee wadani oo ayaa u qabtay qareen carruutan si uu ugu doodo .

Qareenka u Doodayay Carruurtan oo lagu Magacaabo Mubaarik Cabdi Ismaaciil, ayaa saxaafada u sheegay in carruurtan aan lagu helin wax dambi ah.

Daawo.

IDIL NEWS