Ra’iisulwasaare kheyre oo ku wajahan Magaalada Kismaayo.

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland, ayaa sheegaya in uu ku wajahan yahay Magaaladaas Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wafdi hor-dhac ah oo ka socda Xafiiska Ra’iisulwasaare kheyre iyo Ilaaladiisa, ayaa goor-dhaweyd gaaray Magaalada Kismaayo si ay gogal xaar ugu noqdaan safarka Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa la sheegay in uu Magaalada Kismaayo u tagi doono wada-hadal iyo heshiis dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowlad gobaleedka Jubbaland, kuwaas oo ku kala irdoobay khilaafkii mudada soo jiitamayay ee u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaare kheyre uu kulan albaabadu u xiran yihiin la yeelanayo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoona kulankaas looga hadli doono Doorashada jubbaland ee bilaha soo socda qabsoomi doonta.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa qorsheynaya in qof ay wataan ay ku raadiyaan Hoggaanka Jubbaland, si ay ugu suura-gasho inay dib ugu soo laabtaan Xukunka dalka Doorashada 2 sanno kaddib la qorsheynayo in ka dhacdo dalka.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

IDIL NEWS