Wararkii ugu dambeeyay ee Khasaaraha ka dhashay qaraxii Muqdisho (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xooggan oo ka dhacay goor-dhaweyd agagaarka Taalada Xaawo Taako ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako, waxaana uu sababay khasaare isigu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in gaarigan laga soo buuxiyay walxaha qaraxa uu markii hore ka yimid dhanka Koontaroolka Wadada Godka Jilacow.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka tiro kalena ku dhaawacantay, waa qaraxii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay xustay inay qarxiyeen mid ka mid ah Koontaroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada, waxaana horay uga dhacay qaraxyo dhowr ah.

Goobta qaraxu ka dhacay oo ah meel ay ku yaallaan Maqaayaddo, Goobo ganacsi iyo Hotelo, ayaa ah goob aad loo ilaaliyo waxaana Labada dhinac ee wadada hormarta ku yaalla koontaroolo laga ilaaliyo ammaanka, sida Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Milateriga Ilaalada Madaxtooyada iyo Koontaroolka dhanka Wadada Godka Jilacow hormarta oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Nabadsugida.

Daawo.

IDIL NEWS