Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo bilowday Dajintii Imtixaanaadka 2018-2019-ka (Sawirro)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa saaka oo ay taariikhdu tahay 7-3-2019 waxaa si toos ah uga bilaabatay dejinta Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018/19 ee fasallaada sideedaad ee Dugsiyada Dhexe iyo Afaraad ee Dugsida Sare, kaasoo ay gacanta ku hayso Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Macallimiin laga soo kala xulay guud ahaan deegaanada Puntaland oo khibrad u leh habka imtixaanaadka loo dejiyo ayaa kulankoodii ugu horreeyay loogu qabtay Hoolka Imtixaanaadka ee Wasaaradda kaasoo ay hadallo kookooban u jeediyeen Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Axmed Warsame (Axmed Zaahid), Khabiir ka socda Hay’adda AET (African Education Trust) Maxamed Cali Waaberi iyo Madaxa Imtixaanaadka Maxamed Maxamuud Siciid (Caynsane), waxayna kula dardaarmeen in ay xil iska saaran sidii u dejin lahaayeen imtixaan hufan io dhowrista sirta Imtixaanaadka.

Maxamed Maxamuud Siciid (Caynsane) ayaa sheegay in macallimiintani yihiim 90% macallimiin horay u soo dejisay Imtixaanaadka, dhab ahaanna ay wasaaraddu ku kalsoon tahay, sidoo kale aad u yaqaan xeerarka imtixaan dejinta iyo habraacyadiisaba, inta yar oo ku cusubna ay yihiin dad la soo xaqiijiyay masuuliyaddooda iyo aqoontoodaba oo ay Wasaaraddu ka warhayso, lagana filan karo inay la jaanqaadaan hawlaha.

Maxamed Cali Waaberi oo ah khabiir ka socday Hay’adda AET ayaa sheegay in ay Wasaaraddu muddoo 17-sano ah ay gacanta ku haysay imtixaan dejinta, sidaasoo kale aysan ka dhicin wax khalad ah oo imtixaanaadka lagu saluugo, maantana aysan ahayn mid loo fadhiyo, balse dardaaranka iyo dhiirri-gelinta loo sameeyo sanad walba xiiligan oo kale macallimiinta dejinaysa ay tahay in aan hoos u dhac nagu imaan ee horumar ka sii baaxad weyn laga gaaro, sidoo kale waxa uu ka taariikheeyay nidaamka marka la rabo in wax la hagaajiyo ama la horumariyo iyo sida loo doorto waddooyinka saxda ah ee ka guul-gaaridda ahdaafta.

Axmed Zaahid; Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka ayaa isaguna kula dardaarmay inay guntiga adkaystaan, caqabadaha ka hor imaankarana maskax fiyoow looga gudbo, waxaana aad loo falanqeeyay habraaca sanadkaan uu yeelanayo imtixaanka isagoo aan wax badan ka duwanayn nidaamkii horay loo raaci jiray.

Sawirro.

IDIL NEWS