Xog-waran: Halkee DF Soomaaliya ku bixinaysaa $20 Milyan ee ay ugu deeqday Qatar ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Qatar ayaa dhowaan ugu deeqday Dowladda Federaalka Soomaaliya  20 Milyan oo dollar, kaddib booqasho uu ku tagay Qatar Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo casuumaad ka helay Amiirka dalkaas.

20 Milyan ee ay ugu deeqday Dowladda Qatar Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in Qatar ay ku kabayso Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka, Iyadoona lagu soo wareejiyay Dowladda Soomaaliya.

Maxaad kala socotaa Qorshaha lacagtan ee Dowladda Federaalka ?

Waftiga Madaxweyne Farmaajo ee tagay Qatar ayaa waxaa uga horeeyay Magaalada Doxa ku-simaha Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin, kaas oo sida la aaminsan yahay  ubuc u ah xiriir u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Idil News, ayaa sheegay in lacagtan aan lagu dari doonin Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2019-ka, balse Madaxda Dowladdu ay u qorsheeyeen inay ku galaan dagaal Siyaasadeed oo ay ugu horeeyso Doorashada Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Ilo wareedyadan ayaa sheegay in kulan dhex maray Madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo Fahad Yaasiin, ay isku raaceen in qeyb kamid ah lacagtan Dowladdu ay ku bixiso Doorashada Jubbaland ee bilaha soo socda dhici doonta iyo in meesha laga saaro Madaxweynaha Jubbaland ee haatan talada haya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale, Dhinacyadan ayaa isku raacay in ay qabtaan Doorasho ka dhacda Maamulka Galmudug, kaas oo lagu soo dhisi doono Baarlamaanka iyo Madax cusub, Iyadoo meesha laga saarayo Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xaaf.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa dagaalka Siyaasadeed ee Dowlad Gobaleedyada ku bixisay 50 Milyan oo ay ugu deeqday Soomaaliya Boqortooyadda Sacuudiga, Iyadoona inta badan lacagtaas ay Dowladdu ku kharash gareysay Doorashadii ka dhacday Dowlad gobaleedka Koonfur galbeed, taas oo meesha looga saaray Madaxweynihii hore ee Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la sheego in uu tanaasul uu sameeyay doorashada kahor ku qaatay Malaayiin Dollar.

IDIL NEWS