Boosaaso: Suldaan Bashiir Kowte oo lagu dilay Masjid dhexdiis.

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa sheegay in goor-dhweyd masaajid ku yaalla Magaaladaas lagu dhex dilay mid kamid ah Isimada dhaqanka ee Puntland.

Isimka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Suldaan Bashiir Muuse Kowte, kaas oo kamid ahaa isimada sida weyn looga yaqaano Degaanada Puntland.

Dilka Suldan Bashiir ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay Nin ku hubeysan Bistoolad, kaas oo ku dhex toogtay Suldaanka Gudaha Masjidka Mubaarak ee Xaafada laanta Hawada ee Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegay in Rasaastii lagu furay Suldaanka uu markii hore kasoo gaaray dhaawac culus, ugu dambeyntiina uu ugu geeriyooday Isbitaalka National ee magaalada Boosaaso.

Ciidamada amniga Dowladda Puntland oo goortiiba gaaray Meesha lagu dilay Suldaan ayaa haatan wadda baaris culus, kaas oo lagu baadi goobayo qofkii geystay dilka oo isla markii baxsaday iyo sababta ka dambeysay dilkiisa.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS