Ciidamada PSF-ta oo howlgallo ka wadda Buuraleyda Gobalka Bari (Sawirro)

AF-URUR (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus ka sameeyay deegaano u dhow dhow Buuraha Calmadow ee Gobolka Bari.

Ciidamada PSF-ta ayaa howladooda oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga si gaar ah uga fuliyay degaanka af-urur iyo degaanada ku dhow.

Howlgalka kadib ayaa saraakiisha ciidamada PSF waxa ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan tuulada Af-urur, waxana ay uga hadleen sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Bari.

Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka inta uu socday, hayeeshee uu ahaa mid ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Dhawaan ayaa Ciidamada PSF ee sida gaarka ah u tababaran waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen Buuraha Cal Madow, gaar ahaan Buuraleyda Warbad iyo Gebidheer,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay ka hortageen weeraro kaga imaan lahaa Al-Shabaab.

Sawirro.

IDIL NEWS