Madaxda DF Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Xoosh.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha JFS Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Wasiirkii dastuurka XFS marxuum, C/raxman Xoosh Jibriil oo Maanta ku geeriyaaday Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Sidoo kale ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaha uxariistee Wasiirkii Dastuurka XFS.

Sidoo kale Guddoonada labada Gole ee BFS, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka Qaranka ayaa dhamaantood tacsi ka diray Geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka.

Wasiirkii Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa waxaa si kedis ah u haleelay xanuun deg-deg ah,  xilli uu ku sugnaa Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraat-ka Carabta, isagoo mudda yar ka dibna ku geeriyooday Isbitalka Dubai.

IDIL NEWS