Ra’iisulwasaare kheyre oo maanta tagaya Kismaayo iyo ammaanka oo la adkeeyay.

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda ka degaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Wafti horu-dhac ah oo isigu jira Ilaalada Ra’iisulwasaaraha iyo saraakiil katirsan Xafiiskiisa ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo, si ay gogal xaar ugu noqdaan Mr. Kheyre.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la xiray Waddooyinka  Magaalada soo gala, halka Ciidamo si weyn u hubeysana ay gaaf wareegayaan Xaafadaha Kismaayo.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa markii uu gaaro Magaalada Kismaayo waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Jubbaland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Axmed Madoobe.

U jeedka Kheyre ee safarka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu qeyb ka yahay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland oo mudo soo jiitamayay,waxaana la sheegay in arrintaasi ay ka Shaqeeyeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS