WAR DEG DEG AH: Wasiirkii Dastuurka XF Soomaaliya Xoosh oo geeryooday.

DUBIA (IDIL NEWS)-Wasiirkii Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Xoosh Jibriil, ayaa goor-dhaweyd ku geeryooday Magaalada Dubia ee dalka imaaraadka carabta.

Wararka ayaa sheegay in Wasiir Xoosh uu maalmihii ugu dambeeyay ugu sugnaa dalka Imaaraadka carabta daaweynta xanuun hayay, kaas oo ugu dambeeyntii uu u geeryooday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dubai, halkaasoo uga qeyb galayay arooska gabadhiisa.

“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray,waxana uu hadda ahaa Wasiirka Dastuurka Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Dastuurka Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

IDIL NEWS