Wasiirkii Arimaha Dibada Itoobiya oo Xilkii Ka tagay.

Waxaa xilkii wasiirka arimaha dibada ka tagay Dr. Workineh Gebeyow oo in muda ah xilkan soo hayay.

Dr. Workineh oo kasoojeeda Qoomiyada Oromada islamarkaana ka mida Dadka ugu wakhtiga dheer dhanka siyaasada itoobiya,ayaa hada ka tagay xilkii uu hayay.

Dhanka kale Dr. Workineh Gebeyow,ayaa loo magacaabay Kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Arintan ayaa imanaysa xili hal maalin ka hor uun uu soo baxay war sheegaya in Dr. Workineh Uu isu diyaarinayo qabashada xilka Raisul wasaaraha oo uu rabo inuu Abiy Ahmed Garbiyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in talaabada hada ee xilka tagista Dr. Workineh Ay sii xoojinayso shakigii ahaa inuu jiro qorsha ay wataan waybo kamida Xisbiga OPDO oo larabo in lagu minja xaabiyo PM Abiy Ahmed.

Warar kale oo aan helayno,ayaa tilmaamaya in Xog-hayaha guud ee qaramada midoobey uu Wasiirka arrimaha dibadda xiligan ee dalka Itoobiya Workneh Gebeyehu u magacaabay in uu noqdo masuulka ugu sarreeya xafiiska Qaramada midoobey ee magaalada Nairobi.

Dowladda Somaliya,ayaa quudaraynaysay in xafiiskaas oo shaqada ugu weyn ee uu hayo ay ku taxaluqdo Soomaalida loo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Shaqada ninkan loo magacaabay waa arrin xiisad weyn abuurikarta, khatarteedana leh marka meelo badan laga eego, .Masuulkan waxaa magacaabay xog-haye Antonio Guterres wuxuuna qabandoonaa shaqo qaramada midoobey u wakiilatay, laakiin waxaa jira in ‘attitude-ka’ ama waxa isaga iyo saaxiibkiis Abiy ay ka aaminsanyihiin Soomaalida aysan marnaba meesha ka maqnaan doonin ayna banaanka usoo bixidoonto inteeda qarsoon muddo aan fogeyn.