Madaxweynaha Somaliland oo u duulay Imaaraadka Carabta (Daawo)

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u duulay dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii uu marti qaad ka helay Madaxda ugu sareysa dalkaas.

Madaxweyne Biixi ayaa safarkiisa oo ah kii labaad oo uu ku tagayo Imaaraadka waxaa ku wehliya qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada, Waxaana Magaalada Hargeysa ka qaaday diyaarad khaas ah oo ay u soo dirtay dolwadda Imaaraadka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in Madaxda Imaaraadka carabta ay ka wada hadlaan dhameystirka arrimaha ku saabsan heshiiska DP World.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu waddaa in dhawaan  ay bilowdo Mashaariic kala duwan oo horay loogu ballanqaaday Somaliland, looguna bedelay Saldhiga Ciidamada ee Imaaraadku ka dhistay Berbera.

Daawo.

IDIL NEWS