Madaxweyne Deni “Argagixisada dhibta ka wada Boosaaso Dumar baa ku jira” (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in Kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Magaalada Boosaaso ay qeyb ka yihiin Haween hubeysan.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayo Maalinta Haweenka Adduunka oo ka socota Garoowe, ayaa sheegay in haweenku haatan ay qeyb ka noqdeen ammaan darada Dalka.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la helo Haween qeyb ka noqda Ciidamada amniga Dowladda Puntland, si loo xoojiyo amniga, isagoona ugu baaqay Haweenka in aysan ku Mashquulin xilalka Siyaasadda oo kaliya.

Daawo.

IDIL NEWS