Madaxweyne Deni oo xilka ka qaadaya mid kamid ah Agaasimayaasha Madaxtooyadda.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wararka aan ka helayno Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Sheegaya in saacadaha soo socda xilka laga qaadayo Agaasimaha Maamulka Maaliyadda Madaxtooyada Puntland Cabdnasir Maxamuud Gurey.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyaddu ay Saacadaha soo socda baahinayso Waraaq lagu cadeynayo xil ka qaadista Mr. C/naasir Guure, taas oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Madaxweyne Deni,ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xilalka ka qaadayay Saraakiisha Madaxtooyadda ee aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, kuwaas oo la sheego in xiligii olalaha ay taageero u muujiyeen Asad Cusmaan Diyaano oo ahaa Musharaxii sida weyn ula loolamay Mr. Deni.

Sidoo kale, Saraakiisha uu xilalka ka qaaday Madaxweyne Deni, ayaa dhamaantood kasoo jeeda Gobalka Mudug, taas oo shaki weyn gelisay Dadka xilalka ka haya Dowladda ee kasoo jeeda Gobalkaas oo loo arko in si gaar ah uu haatan Madaxweynuhu u beegsanayo.

IDIL NEWS