Madaxweyne Museveni oo mar kale tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya (Daawo)

KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Uganda Yoweri Museveni, ayaa Mar kale tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya, xilli dhawaan lagu xasuusto in uu weerar ku qaaday Soomaaliya oo uu sheegay in ay tahay meel aysan ka jirin dowlad.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in dadka dhaqanka xun oo Askarta ay qeyb ka yihiin ay u musaafirin doonaan Soomaaliya, halkaasoo uu sheegay in looga dhaqmo sidda ay rabaan.

“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qeyliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbalikarin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmikarin, waxaana u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay, Haddii aad careysan tahay waxaad i weydiisan kartaa dal u galka Soomaaliya , Maxaayeelay halkaasi ayaa looga baahan yahay Gardarada” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

Dalka Uganda dhawaan waxaa ka dhacday in uu dharbaaxay Askari ka mid ah Ciidanka dalkaasi haweenay ka mid aheyd Ciidanka Taraafidda, waxaana qabsaday baraha bulshadda Muuqaal laga duubay Askarigaasi oo bulshadda ay si weyn uga Caroodeen.

Daawo.

IDIL NEWS