Maxay tahay sababta Ra’iisulwasaare Kheyre u baajiyay safarkiisii Kismaayo ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyay  Safar lagu waday in uu ku taggo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay in Maanta lagu waddo in Magaalada Muqdisho la keeno Meydka Wasiirkii dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Wafdi Wasiiro ah oo loo xil saaray Aaska Wasiirka ayaa ku howlan diyaargarowga soo qaadida meydka Wasiirka, oo maanta lagu Aasi doono Muqdisho.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay u tagay wafdi  ballaaran oo horudhac u ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

IDIL NEWS