Muqdisho: Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Burhaan oo kulmay.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Ku Qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse Oo Maalmahaan Booqasho Ku Joogay Magaalada Mudisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Burhaan ayaa iska xog-wareystay xaalada guud ee dalka iyo sidii dhaqanku ay u sii laba jibaari lahaayeen ka qeyb ahaanshahooda ee xoojinta xiriirka ka dhexeeya Bulshada Soomaaliyeed.

Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo ku sugnaa muddooyinkii ugu dambeeyay Muqdisho, ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Qaranka iyo Isimada dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho.

Boqor Burhaan ayaa Magaalada Muqdisho ka wada olale ku aadan shirweyne ay isigu imaanayaan Isimada dhaqanka Dhulka Soomaalida, kaas oo ka dhici doona daba yaaqada sanadkan Magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliyeed, loogana hadli doono Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed.

IDIL NEWS